Farmaajo oo markii 3-aad Waji gabax kala kulmay Shir uu iclaamiyay

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa markii saddexaad bil gudaheed wajahaya Waji gabax uu kala kulmay Shir uu ku casuumay Dowlad Gobaleedyada, kaddib markii ay ku gacan seyreen Puntland iyo Jubbaland.

Shirka 3-aad ee uu Farmaajo iclaamiyay ayaa ku beegan maalinamada berrito ah, Puntland iyo Jubbaland ayaana ku gacan seyray Shirkan, iyagoo sidoo kale taageero u muujiyay wada-hadalka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta, waxaana ay Farmaajo ku eedeeyeen inuu qabad ku yahay xalinta caqabadaha ku horgudban Geedi-socodka doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u iclaamiyay 15 bishii hore ee Febraayo shir ka dhici Garowe, kaddib markii uu fashilmay shirkii Dhuusamareeb, Puntland ayaa ku gacan seyrtay inuu shirkaas ka dhaco Garowe, taas bedelkeed waxay soo jeedisay inuu ka dhaco Muqdisho.

Sidoo kale Farmaajo ayaa soo saaray war saxaafadeed uu shir isugu yeeray dowlad goboleedyada 18-19 Febraayo ayuu muddeeyay shir ka dhici doona Muqdisho, inkastoo xilligaas Muqdisho ka jireen xiisado siyaasadeed iyo bannaan baxyo ay iclaamiyeen Mucaaradka, ku dhawaaqida shirkaas ayaa loo arkayay inuu uga gol lahaa si uu bannaan baxa Musharxiinta meesha uga saaro, balse wax aan la fileyn ayaa dhacay oo ahaa dhacdadii habeenkii 19 Febraayo ee lagu weeraray Hotelkii ay degenaayeen Madaxweynayaashi hore iyo subixii jimcaha oo lagu rasaaseeyay dibad baxii ay horboodayeen Musharaxiinta