Ilhan Omar oo Kongareeska Mareykanka u gudbisay qorshe ka dhan ah Maxamed Bin Salman

Xildhibaanad Ilhaan Cumar, oo ka tirsan aqalka Kongreska Mareykanka ayaa golaheeda u gudbisay Mashruuc sharci oo ay doonayso in lagu ganaaxo Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Binu Salmaan, doorkii uu kulahaa dilka wariye Jamaal Khashoggi.

Ilhaan, oo daba socota Warbixintii Jimcihii ay soo saareen Sirdoonka Maraykanku ee sheegaysay in Maxamed Binu Salmaan, bixiyay amarka lagu dilay Khashoggi, ayaa sheegtay in waajib ay tahay in la xayiro Hantida Boqorka sidoo kale la mumnuuco dhammaan cilaqaadka uu la leeyahay Maraykanka iyo weliba in aan la siin Viisaha Maraykan.