VIDEO: Xasan Sheekh oo dowladda uga digay in la carqaladeeyo banaanbaxa

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan-geliyo waxyaabihii ay ku heshiiyeen Xukuumadda Soomaaliya, sida Gudiyada banaanbaxa loo xilsaaray iyo kuwa dhacdadii 19-kii Febaraayo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan jirin dad ay dowladda soo abaabushay oo loogu talo galay inay banaanbaxaas ka qeyb-galaan, hadii ay tagaana ay carqalad u arkaan.

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ayaa sheegay in banaanbaxa Midowga Musharixiinta ku dhawaaqeen in uu qabsoomo Maalinta Sabtida ah uu yahay midkii ka baaqday 19-kii Bishii Febaraayo, isaga oo ku adkeestay in banaanbaxaas uu qabsoomayo.

Ugu dambeyntii, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in hadii qof walba uu codkiisa ku cabiri waayo aysan jirin dowladnimo iyo bani’aadanimo.