Wasiir Dhabancad oo magacaabis sameeyay

Garowe March 3 2021:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa Degmada Xarfo u magacaabay Xoghaye cusub kadib markii Xoghayihii hore ee Degmada Xarfo uu banneeyey shaqada.

Wasiir Dhabancad ayaa u magacaabay Xoghayaha cusub ee Degmada Xarfo Cumar Cali Maxamed, isagoona faray Maamulka degmada iyo kan Gobalka Mudug inay si wanaagsan ula shaqeeyaan.