Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Galgaduud

Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay inay gaari ku rasaaseeyeen degaanka Mirocowleed oo hoostaga Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

Gaariga la rasaaseeyay ayaa sida la sheegay waday Qaad ( Jaad), waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in weerarka ay ku dhinteen laba ruux mid kalena uu ku dhaawacmay.

Falkan ayaa la sheegay inuu xiriiro aanooyin qabiil oo bilihii la soo dhaafay ka taagnaa degaano hoostaga Magaalada ee Gobolka Galgaduud, iyada oo saaka xiisad ka dhalatay dilkaas ay taagan tahay.

Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa  degaannada Galmudug kusoo batay dilalka lala xiriirinayo aanooyinka qabiil, iyada oo qaarkood dagaal beeleedyo dhacay xal lag gaaray halka kuwo kale aan weli lagu guuleysan xalintooda.