Beesha Caalamka iyo midowga Musharixiinta oo kulan yeeshay

Wakiillada Beesha Caalamka iyo midowga Musharixiinta ayaa kulan ku yeeshay aalada ZOOM-ta, iyagoo ka wada-hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo caqabadaha hor-taagan fulinta heshiiskii doorashooyinka.

Kulanka oo qaatay saacado ayaa labada dhinac isla soo qaadeen kulamada u socda Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga Musharixiinta.

Midowga Musharaxiinta iyo Beesha Caalamka ayaa isku raacay in fursad la siiyo wada hadalada u dhaxeeya Midowga Murashaxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha, sidoo kale waxaa hoosta laga xariiqay muhiimada ay u leedahay heshiis labada dhinac gaaraan shirka soo socda ee dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada.