Hodan Naaleeye oo dugsi sare oo Canada ku yaalla loogu magac-daray

Guddiga waxbarashada ee degmada York ee gobolka Ontario ee dalka Canada ayaa habeennimadii Talaadada ee 2-da bishan March, si rasmi ah u ansixiyay in dugsiga sare ee Vaughn (Vaan) loo baddelo magaca dugsiga sare ee Hodan Naaleeye.

Toban ka mid ah 12 xubnood ee gudigaas ayaa u codeeyey Hodan Naaleeye magaceeda in lagu bedelo kii hore uga jirey dugsiga sare ee-Vaan.

Tallaabadan oo Soomaali badan farxad gelisay ayaa ah qiimeyn iyo tixgelin ay madaxda deegaankaasi u sameeyeen Saxafiyaddii Soomaaliyeed ee Hodan Nalayeh oo ku dhimatay qaraxii ka dhacay magaalada Kismaayo, 2019.