Maxaa looga hadlayaa Shirka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo midowga Musharixiinta ? (Sawirro)

Shirkii saddexaad oo u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta, ayaa goor-dhaweyd ka furmay Hotelka Decalle ee magaalada Muqdisho.

Shirka caawa ayaa looga hadlayaa doorka midowga Musharixiinta ee arrimaha doorashooyinka, waxaana sidoo kale ka qeyb-galay Madaxweynaha Hirshabelle, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale.

Wakiillada Beesha Caalamka oo maanta Shir la yeeshay Midowga Musharixiinta, ayaa soo dhaweeyay kulamada Ra’iisul Wasaare Rooble iyo midowga, iyagoo ayiday baaqii horey u soo jeediyeen Puntland iyo Jubbaland ee ahaa in waqti la siiyo Wada-hadalada labada dhinac.