Muxuu salka ku haaa fashilka Siyaasadda Arrimaha dibedda ee dalka Itoobiya ?

Ethiopia's Prime minister Abiy Ahmed speaks during a press conference at his office in Addis Ababa, on August 25, 2018. (Photo by Michael Tewelde / AFP)

SiyaasAddii arrimaha dibada Itoobiya waxaad mooda in culays xoogan soo food saaray, waxayna arrimahan soo bilawdeen kaddib markii Abiye Ahmed saaxib dhaw ka dhigtay Isayas Afework. Wuxuu dayacay fursadii lagu xoojin lahaa xidhiidhkii middawga Afrika, middawga Yurub, Ingiriiska iyo Maraykan-ka.

Waana sabbabta xagal daacisay rajo baddan oo laga qabay isbadalka kahor, dal sidda ree galeedbku rabbaan aan fur-furnayn oo ku eedaysan gabood fallo iyo dambiyo haddii aad ku xidhato waad dareemi kartaa culayska ku iman kara siyaasada arrimaha dibada.

Siyaasada arrimaha dibada Itoobiya waxaa dabka kusii shidaya dagaalkii waqooyi, oo ay baaqaq kala duwan beesha calamka iyo middawga Afrika uga imanayeen Abiye Ahmed, wuxuuna kaga jawabay inuu ku gacan saydho islamarkaana dhaho “Annaga wax nalooma yeedhiyo shilimaad yar-yarna la naguma iibsan karo”.

Dagalka waqooyi, weerarka Sudan &Tplf oo dhabarka lagasoo taabtay ayaa kamid noqon kara qorshayaal sii dajisnaa oo dalka Itoobiya la rabbo in lagu fur-furo.

Intaas wixii ka dambeeyay waxaa batay caddaadiskii hay’addaha deeq bixiyayasha(IMF & World Bank) oo lacago baddan hakiyay, Qaramada middoobay iyo middawga Yurub dalalka ugu xooga baddan ayaa siddoo kale eedaymo iyo digniino soo jeedinayay.

Dagaalka saxaafadda iyo dayacado run iyo been iskugu jira ayay siddoodi ree galbeedku Itoobiya ku bilaabeen(Psychological Warfare), waxaa lagga digayaa dambiyo dagaal, ugu dambayn halmar ayaa la baddalay sawirkii wanagsanaa ee Itoobiya laga haystay.

Abiye Ahmed markuu tallada qabsaday balantii ugu horaysay ee uu qaado waxay ahayd innuu iib geyn doono qayb kamida shirkada Tellega iyo kuwa kalee gacanta Dawladda ku jira, qorshaha ree galbeedka iyo Maraykana wuxuu ahaa in la wiiqo samaynta Itoobiya ee SHIINAHA, waxaa kaloo la rabbay innuu dalka fur’furo, islamarkana awooda Dawladda la wiiiqo(Neo-Liberalka).

Waddaas oo ay hoggaamintii hore Itoobiya ka cag jiidayeen ayaa Abiye Ahmed la rabbay innuu qaado, wuxuuse u batay dhankaas iyo Shiinaha mashruucisii waddada xariirta ah(Road and belt).

Intaas wixii ka dambeeyay dalka guddihiisa waxaa lagga abuuray kacdoono, mucaaradka oo si dadban loo xoojiyo, dilal qorshaysan iyo hoos u dhac lagu sameeyay dhaqalihii Itoobiya.

Waanad garan kartaan innaysan meesha gacme shisheye ka maqnayn, islamarkaana uu jiro qorshihii ahaa “Badal addigoon dagaal muuqda la galin”.

GABO-GABO, Iskusoo duubo siyaadda arrimaha dibada ee Itoobiya waxay la daala dhacaysaa arrimaha kor ku xusan ee laga rabbay inuu Abiye Ahmed fulliyo, waxana wax walba sii xumeeyay dhago addayga beesha calamka iyo u dhaga nuglaanta Isayas(Kab ninkaad ka tolan kabihiisa la eegaa).

Natiijada way sii xumaan kartaa haddii qorshaha fog iyo midka dhaw ee dalka laga rabbo uusan fulinin Abiye Ahmed, waxaana la galaya xili doorasho oo ay reer galbeedka iyo Maraykan-ku ka faa’iidaystaan.

Waxaana iman karta faragalin dadban iyo mucaradka oo la shidaaleyo, haddii doorashada xisbiga barwaaqo isku calemo sarana waxay bilaabi eedaymahoodii, kaddibna waxaa xigi kara in hawlgalo qorsheysan dalka laga fulliyo(Covert and Overt operations).

Source: Voss Tv