Urur Siyaasadeedyada Kaah iyo Himilo ee Puntland Shacab oo midoobay (Sawirro)

Urur Siyaasadeedyada Kaah iyo Himilo Shacab oo kamid ah Ururada Siyaasadda Puntland ayaa munaasabad xalay ka dhacday magaalada Garoowe ku shaaciyay inay midoobeen.

Gudoomiyihii Hore ee Urur Siyaasadeedka Himilo Shacab Faadumo Diiriye Nuur ayaa Sheegtay in ay Ururka Kaah la midoobeen kadib markii ay aragtay inay isku Siyaasad yihiin.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland ahna Xoghayaha Urur Siyaasadeedka Kaah Ilyaas Cusmaan Lugatoor (Gabiley), ayaa soo dhaweeyay Ururka Himilo Qaran, isagoona sheegay inay ku faraxsan yihiin inuu kusoo biiro.