Ciidanka Puntland oo soo afjaray weerar lagu qaaday Xabsiga weyn ee Boosaaso

Koox hubaysan  ayaa caawa weerar ku qaaday Xabsiga Dhexe ee magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland oo ay ku xiran yihiin dad ku eedeysan dambiyo kala duwan, sida Argagixisanimo.

Weerarka ayaa ku bilowday Qarax weyn, kaas oo lagu dhuftay afaafka xabsiga, waxaana intaas kaddib bilowday dagaal tops ah oo u dhexeeya Ciidanka Ilaalada xabsiga iyo Argagixisada, iyadoo intaas kaddib ay gaareen xabsiga Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta, kuwaas oo soo afjaray kooxdii weerarka soo qaaday.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa weerarkan ka dhashay. Lamana iga inta uu gaarsiisan yahay.