DEG-DEG: Dagaal u dhexeeya Ciidanka Puntland iyo Al-Shabaab oo ka socda deegaanka Girible

Dagaal u dhexeeya Ciidammada Amniga Dowladda Puntland iyo Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ayaa ka socda Deegaanka Girible oo qiyaastii 15-KM u jira Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Ciidanka Dowladda Puntland ay ka daba tageen Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee xalay weerarka ku qaaday xabsiga weyn ee Boosaaso.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay dagaalkan, waxaana jira maxaabiis ah Ciidanka Puntland gacanta ku dhigeen, wallow tdagaalku wali socdo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu goor-dhaw ka dego Magaalada Boosaaso, Saraakiisha ugu sareysa Hay’adaha Amniga ayaana ku sugan Madaxtooyadda Boosaaso oo Shir weyn uu ka furmayo.