Deni iyo Hay’adaha Amnigu miyey la socdeen xogta weerarka Xabsiga ?

Khaladaadka fududeeyay waxii Bosaso ka dhacay!!!

Khaldka 1-aad”

6-bilood ka hor,ayaa xogta weerarkan Madaxweynaha farta laga saaray oo waliba loo faahfaahiyay loona sawiray sida ay wax u qorshaysteen.

Sidoo kalena tala laga siiyay ,balse nasiib daro Madaxweynuhu wax talaaba ah ma qaadin.

Xalay weerarku markuu dhacay waxay ahayd in hal Ciidan loo daayo hawlgalka lana xiro banaanka Magaalada gees walba 5-Km,balse ma dhicin nasiibdaro taladaasna waa la siiyay.

Khaladka 2-aad”

Waxay ahayd hawlgalka oo socda in Shacabka lala hadlo oo war la siiyo ma dhicin.

Ilaa iyo hada Sarkaal ama Wasiir hadlay oo xaqiiqda dhabta ah Shacabka la wadaagay majirto.

Ogow runta oo loo sheego Bulshada waa qayb ka mid ah hogaaminta saxda ah.

Laamaha amaankuna been ma sheegaan si walbay u kharaar tahay.

Jibril Qoobey.