Madaxweyne Deni oo safar deg deg ah ku tagaya Boosaaso

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, oo goor-dhaweyd ka baxay Shirar saacado qaatay oo looga hadlayay Weerarkii Al-Shabaab xalay ku qaaday Xabsiga weyn ee Boosaaso la lahaa Hay’adaha Amniga Puntland iyo La-taliyayaasha Amniga ayaa la filayaa inuu u amba-baxo Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa diyaarad ka raaci doona  Magaalada Garoowe, waxaana uu Boosaaso kulan Guud kula yeelan doonaa Saraakiisha ugu sareysa laamaha ammaanka Puntland, kaas oo lagu gorfeyn doono suuragalnimada in weerar noocaas ah lagu qaado.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kormeeraya xabsiga, isagoona intaas kaddib la hadli doono Shacabka Puntland.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.