VIDEO: 20 Ruux oo ku geeryooday Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax Ismiidaamin ah ayaa caawa ka dhacay Maqaayada Luuley Yamani ee Magaalada Muqdisho, kaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Maamulka Gaadiidka Gurmadka deg Dega ah ee Aamin Abbulance ayaa Warbaahinta u sheegay in Maqaayada uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah ay ka qaadeen Dhaawacyada 20 qof, halka ay arkeen Meydadka 30 kale.

Dhinaca kale Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa iyaguna sheegay in Dhimashada Qaraxaasi ay gaarayso 10 Qof halka dhaawacana ay ku sheegeen 20 ruux.