VIDEO: Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Farmaajo ayaa diiday in horay loo socdo”

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo shir jaraa’id ku qabtay Hotel Decalle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uusan laheyn wax go’aan ah, talaabadaasna ay tahay mida sababta u noqotay fashilka Shirka xalay ay la yeesheen.

“Waxaan aad iyo aad uga xunnahay oo nasiib darro taariiqda siyaasadda Soomaaliya usoo hoyatay ah in dad aan caawa dhan la fadhinay oo go’aanka iska leh ay u muuqatay inaysan go’aanka lahayn” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa intaas ku daray “Go’aan kasta oo la gaaro waxaa loo dirayey iyadoo fariin qoraal ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday oo diiday in horay loo socdo”.