VIDEO: Midowga Musharixiinta oo baajiyay Bannaan-bixii ay berri dhigi lahaayeen

Midowga Musharraxiinta ayaa shaaciyay in dib loo dhigay bannaanbaxii lagu ballansana in uu maalinta berri ah ka dhaco Daljirka Daahsoon, sababo la xariira Arrimo amni iyo xaaladda Caafimaad ee waddanka ka jirta

Madaxweynihii hore ee dalka ahna guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ka hadlayay Shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hotelka Jazeera ayaa xusay in ay dib kasoo sheegi doonaan xilliga uu dhacayo Bannaan-buxu.