XOG: Al-Shabaab oo tiro maxaabiis ah kala baxday xabsiga Boosaaso

Xalay si fiican ayay Alshabaab uga adeegteen Xabsiga Bosaso.

Waxay haysteen Xabsiga mudo saacadaha,iyagoo ka adkaaday ilaaladii.

Shabaab waxay sii daayeen ku dhawaad 400 oo Maxbuus,waxaana loogu tagay gudaha Xabsiga 7-Maxbuus.

Maxaabiista ay sii daayeen waxaa ka mid ah Xubno Waa weyn oo Shabaab ah.

Shabaab waxay xalay ka fuliyeen Bosaso hawlgal qorshaysan,iyagoo xirtay dhawr Difaac oo ay ka mid tahay wadada Sadex Xidigood ka hor intaysan Xabada ku bilaabin Xabsiga.

Ciidankii usoo gurmaday Xabsiga ee iskugu jiray PSF iyo PMPF waxay ku sameeyeen Anbush gaadmo ah.

PSF waxay ka gubeen Gaari,waxayna ka dileen 4-Askari.

Sidoo kale PMPF-ta soo gurmatay waxay gaadmo uga dileen 2-Askari.

Maleeshiyadii Shabaab oo gaaraysay 150-Nin 1-dii habeenimo ayay dhanka Buurta Gaaco uga baxeen Magaalada,iyagoo hawlgalkoodii fuliyay.

Dharbaaxo foolxun oo ceeb iyo Yax-yax ah,ayaa xalay ku dhacday Puntland Amaankeeda.

Jibril Qoobey.