Faallo: Maxaa laga dheehan karay khudbadda Madaxweynaha Puntland ?

Madaxweynuhu waxuu bogaadiyay Ciidamada hawlgalka ku jira iyo kuwii dagaalamay habeenkii weerarku dhacay.Waxuu kaloo ubalanqaaday abaal marin dadkii gacanta ka geystay fashilinta isku dayo kale oo argagixiso.

Baaritaan iyo dabagal goobihii laga soo abaabulay ama dadkii gacanta ka geystay weerarkii Xabsiga in ay socdaan,ayuu xaqiijiyay.

Madaxweyne Deni waxuu sheegay in Shirkiisan jaraa’id yahay hordhac oo uu ka danbayn doono mid faahfaahsan oo ay soo gudbin doonaan laamaha amaanka.

Marka laga ficil qaato hab hadalka Madaxweynaha lana qiimeeyo Shirkiisa jaraa’id waxaa jiri doona xilal ka qaadis.Shacabka Puntland waxay aad urabaan in ay arkaan,

iyadoo lala xisaabtamayo cidii dayacday shaqadeeda oo dhabarka loo saaray waxii dhacay.

Jibril Qoobey.