Madaxweynaha Masar oo booqasho deg deg ah ku tagaya Dalka Suudaan.

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2020-06-13 13:44:00Z | http://piczard.com | http://codecarvings.comÙÕÿâwE%æ

Madaxweyne C/Fataax Al-sisi waxa uu maanta booqan doonaa caasimadda dalka Sudan ee Khartoum, isagoo la kulmi doona Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalkaasi, Jeneral C/Fataax Al-burhaani.

Labada mas’uul waxay Kulankooda kaga hadli doonaan xaalladihii ugu dambeeyey ee Mandiqada, Xiriirka Milliteri ee labadooda dal, Muranka Biyo- xireenka Ethiopia ee GERD, Ammaanka Badda Cas, Xaalladda Xuduudka Sudan iyo Iskaashiga Wadajirka ee labadooda dal.

Afhayeenka Madaxtooyada Masaarida, Basaam Raali ayaa sheegay in booqashada Madaxweynuhu ku tegayo Sudan ay noqonayso tii ugu horeeysay ee uu ku tago dalkaasi, tan iyo markii ay Madaxda Golaha Milliteriga la wareegeen Talada dalkaasi.

Booqashada Madaxweynaha Masar waxay ku soo beegantay, maalmo kadib, markii ay Taliyayaasha Milliteriga ee labada Waddan kala saxiixdeen Heshiis Iskaashi Milliteri.