Madaxweyne Deni “Puntland waxay kujirtaa heegan buuxa” (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo Shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Boosaaso ayaa sheegay inay guulo ka gaareen Howlgallo Ciidanka Dowladda Puntland ay ku qaadeen Maleeshiyaad katirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo habeen kahor weerar ku qaaday xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso.

“Puntland waxay kujirtaa heegan buuxa, ficilka dhacayna sida ugu wanaagsan baan uga falcelinaynaa , dadkay ku cadaato inay qayb ka ahaayeena waxaan rajeyn inaan ka abaal marino oo wajibkooda la mariyo” ayuu yiri Madaxweyne Deni

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale shirkiisa ku sheegay in dhacdadii lagu weeraray Saldhigga dhexe ee Boosaaso ahaa dhacdo xanuun badan , isagoona tacsi udiray dadkii ku geeryooday oo uusan tiradooda si rasmi ah u sheegin.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Kooxda weerarka soo qaaday in ay ciidamadu ka daba tageen islamarkaana gaarsiiyeen jab xooggan.