Qaramada Midoobey oo si kulul u cambaareysay qaraxii Muqdisho

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa war ka soo saaray qarax xalay ka dhacay Maqaayadda Luul Yemeni ee ku taal degmada Xamar Jajab, qaraxan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Qaramada Midoobey ayaa si kulul u cambaareysay qaraxaas, waxayna u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay, kuwa dhaawacana caafimaad u rajeysay.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareynayaan weerarkii foosha xumaa ee Al-Shabaab ay 5-tii Maarso ka geysteen magaalada Muqdisho, waxa ayna tacsi u dirayaan qoysaska dadkii naftooda ku waayey weerarkaa, iyagoo u rajeynaya caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa maqaayadda oo ku soo aaday, xilli magaalada Muqdisho ay maalmihii la soo dhaafay dad fara badan ugu dhinteen cudurka Coronavirus.