Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka Puntland oo dhaawacmay

Xildhibaan Cali Axmed Saalad (Cali Dhahar), oo kamid ah Golaha wakiiladda puntland ayaa shil ku galay degaanka midigale oo 40 KM u jira magaalada Badhan.

Xildhibaan Dhahar oo dhaawac culus uu kasoo gaaray shilka ayaa lagula tacaalayaa isbitaalka magaalada Badhan sida ay noo xaqiijiyeen ilo ku sugan Badhan.

Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu ku sii jeeday Badhan si uu uga qaybgalo tacsida hooyadiis oo geeriyootay.