XOG: Madaxweyne Deni oo Isbedel ku sameynaya Hay’adda Amniga Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda uu Isbedel ku sameeyo Saraakiisha Hay’adaha Amniga Puntland, kaddib Weerarkii lagu qaaday xabsiga weyn ee Boosaaso.

Madaxweyne Deni ayaa la filayaa inuu si gaar ah xilalka uga qaado Saraakiisha Hay’adaha Sirdoonka iyo Asluubta, kuwaas oo ay dul hoganayaaan eedeeymaha Mas’uuliyadda weerarka xabsiga Boosaaso ay ka geysatay Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inuu Isbedel ku sameeyo qaab dhismeedka Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Puntland ee (PISA) iyo Hay’adda PSF-ta Puntland.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.