Af-hayeen Macalimow “Ra’iisul Wasaare Rooble wuxuu diyaar u yahay sii wadida wada-hadalada Musharixiinta”

Af-hayeenka Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Ibraahim Macalimow, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu diyaar u yahay inuu sii wado wada-hadaladii uu la lahaa Midowga Musharixiinta, ee dhowaan fashilmay.

Af-hayeen Macalimow oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ay ka go’an tahay sii wadadi wada-hadalada Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya si guud iyo si gaar gaar ahba, si loo gaaro hishiis iyo is afgarad ,dalkuna uu doorasho u aado

“Iyada oo dhawaan la filayo in uu Muqdisho ku qabsoomo kulankii u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Goboleedyada dalka si loo dhameystiro Hishiiskii 17ka Siteembar 2020 , Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu mar kasta diyaar yahay sii waddida wadahadalladii uu la lahaa Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya si guud iyo si gaar gaar ahba ,si loo gaaro hishiis iyo is afgarad ,dalkuna uu doorasho u aado” ayuu bartiisa Facebook soo dhigay Af-hayeenku.

Kulamadii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ayaa jimcihii dhaweyd fashilmay, kaddib markii Musharixiintu ay u soo jeediyeen Ra’iisul Wasaaraha inuu qaato Mas’uuliyadda Doorashada Dalka, maadama uu muddo-xileedkiisu dhamaaday Madaxweyne Farmaajo, balse uu ka meermeeray Rooble.