Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ku wajahan Muqdisho

Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, ayaa maalmaha soo socda tagi doona Magaalada Muqdisho, oo uu ka dhacayo Shirka Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada.

Shirka oo ka dhici doona Xerada Xalane ayaa waxaa garwadeen ka ah Beesha Caalamka, waxaana lagu dhameystiri doonaa Heshiiskii Doorashooyinka Dalka ee 17-kii September-2020.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu berri oo Isniin ah tagi doono Magaalada Muqdisho, halka Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni uu tagi doono Talaadada.