Mahad Salaad oo XOG badan ka bixiyay fashilka kulankii Rooble iyo Musharixiinta (VIDEO)

Xildhibaan Mahad Salaad oo Boqolaal dhalinyaro ah kala hadlayay Aalada maqalka ah ee Clubhouse, ayaa banaanka soo dhigay xogo badan oo ku geedaaman fashilkii Wada-hadaladii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in Shirkaas ay fashiliyeen Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Carab iyo Wasiiru-dowlaha Gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere, oo ay gadaal ka taagnaayeen Fahad Yaasiin iyo Farmaajo.

“In wasiir dowle 9-saacadood qol 5-mitir ah nagu dhax haysto uu na yiraahdo fariimaha uu soo dirayo nin gurigiisa ama xafiiskiisa joogaa qaadaneysaan ama waa lagu kala tagaa waxay ahayd nasiib darada shirkii Decale” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa intaas ku daray”Waan aaminsanaa in Ra’iisul-wasaaraha aan jaanis loo ogoleyn oo ciqaab uu ku jiro go’aankiisuna liito oo foolxumo dhabarkiisa laga maleegi karo,Hadii la yiraahdo doorasho ha dhacdo Farmaajo maba ogola oo musharaxiinta iyo baarlamaanka ayuu Taangiyo ku horjarayaa”