Puntland oo dooneysa inay Warshadaha Oxygen-ka ka hirgaliso dhamaan Gobalada (VIDEO)

Wasaaradda caafimaadka Puntland iyo Ganacsatada Gobolka Nugaal oo ka wada hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa helitaanka warshad Oxygen soo saarta oo la dhigo cisbitaalka Garowe.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaaradda iyo gudoomiyaha gobolka ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta gobolka Nugaal ganacsatada gobolka .

Masuuliyiinta wasaaradda ayaa ganacsatada ka soo qaybgashay shirka kala hadlay sidii xaaladahii ugu danbeeyay ee xanuunka Covid19 iyo koror ku yimid baahida loo qabo Oxygenta, taasi oo ka badan intii horay ujirtay, waxaana ay kala hadleen ganacsatada sidii dawlada iskaga kaashan lahaayeen helitaanka warshada soo saarta Oxygenta oo la dhigo cisbitaalka Garowe si bilaash ahna bulshada gobolka uga faa’iidaystaan.