Shir looga hadlayo Dilmuquraadiyeynta Puntland oo Garoowe ka dhacay (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa shir Guddoomiyay shir looga hadlayay nidaamka Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Shirkaas oo ay soo qayban-qaabiyeen hawl-wadeenada Waaxda Dimuqraadiyeynta waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasime Waaxeedyo iyo la taliyaasha Wasaaradda Arrimaha Gudah Dowladda Puntland.

Ujeedka Shrika ayaa daarnaa soo bandhigidda guulaha laga gaaray Geedi socodka nidaamka Dimuquradiyada Puntland iyo dar-dargalinta qorshayaasha nidaamka Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland sanadka 2021.