Yaa abaabulay weerarkii Xasan Sheekh iyo Shariif ee 19 Febaraayo ?

Xildhibaan Mahad Salaad oo xalay su’aalo lagu weydiiyay barta Clubhouse ayaa la weydiiyay sababta ay u shaacin waayeen dadka ay ku eedeenayaan iney ka danbeeyeen amarkii lagu weeraray Madaxweynayaashii hore ee dalka oo lagu weeraray Hotelka Ma’ida oo ku dhow taalada Daljirka Daahsoon.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ku eedeeyay Mas’uuliyadda weerarkaas 8 Xubnood, kuwaas oo kala ah:

1. Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ahaa Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida.

2. Fahad yaasiin X. Daahir oo ah Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

3. Taliyaha Ciidanka Xooga Gen Odowaa Yusuf Raage

4. Taliye ku xigeenka Hay’adda NISA Cabdullahi Kulane

5. Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen Maxamed Tahliil Biixi

6. Taliyaha Guutada 17aad ee Ciidamada Kumandooska Gorgor Gaashaanle Dayax

7. Taliyaha Ururka koobaad Oo lagu magacaabo Saahid jareer

8. Madaxa Hoggaanka Sahanka iyo Wardoonka Saciid Kambala.