Caqabadaha horyaalla Shirka Muqdisho uga furmaya Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland H.E Said Abdullahi Deni & Axmed Maxamed Islaam ayaa Labada maalmood ee inagu soo aadan ka degi doona Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, halkaas oo ay uga qeybgalayaan Shirka Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada.

Shirka oo ka dhacay Xerada Afisyooni, ayna ammaankiisa sugayaan Ciidanka AMISOM ayaa waxaa garwadeen ka ah Qaramada Midoobay, UK iyo Mareykanka, waxaana la filayaa inuu dabayaaqada Asbuuca uu qabsoomo.

Sidoo kale, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa looga diyaariyay Deegaan ku yaalla Xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaas oo amaankiisa ay sugayso AMISOM.

Caqabada Shirka ku geedaaman.

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa doonaya inuu Shirku uu noqdo mid hal maalin socda, laguna saxiixo is afgaradkii Guddiga farsamada ee ka kala socda DFS iyo Dowlad Gobaleedyadu ku gaareen magaalada Baydhabo. Si loo sii amba qaado fulinta Heshiiskii Doorashooyinka ee 1717-kii September.

Sidoo kale, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa doonaya in Shirka la balaariyo, sidoo kalena la fuliyo Saddex qodob oo kala ah;

1: In Madaxweyne Farmaajo uu soo saaro Waraaq uu ku cadeynayo inuu muddo-xileedkiisu dhamaaday, sidoo kalena dowladdiisu ay tahay mid Dalka Doorasho kaliya ka qabanaysa.

2: In Howlaha doorashooyinka loo madax baneeyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah, faraha uu kala baxo Madaxweyne Farmaajo.

3: In Ammaanka Doorashooyinka heshiis laga gaaro, Sidoo kalena Ciidanka laga dhex saaro Arrimaha siyaasadda.

Idilnews