Dowladda Itoobiya oo hubeynaysa Koox falaago ah

Ciidanka Dowladda Sudan waxay ku eedeeyeen Dowladda Itoobiya inay hubeynayaan Dhaq-dhaqaaq Fallaago ah, si ay u qabsadaan Magaaladda Kurmuk ee Gobalka Blue Nile ee K/Bari ee Sudan.

Ilo-Milliteri oo ka tirsan Ciidanka Sudan waxay ku eedeeyeen Dowladda Itoobiya inay Taageero Hub, rasaas iyo qalab Milliteri siinayaan Dhaq-dhaqaaqa Falaagada ee uu hoggaamiyo Joseph Touka.

Itoobiya waxay kaloo u ballan qaaday Fallaagadaasi inay Ciiddanka Itoobiya ka taageeri doonaan Duqeymaha Madaafiicda, si ay  Kooxda Joseph Touka u qabsadaan magaalladda Kurmuk ee Sudan.

Taageeradda Milliteri ee ay Ethiopia ugu yabooheen Maleeshiyada  Kooxda Joseph Touka ayaa la sheegay in la soo gaarsiiyey Gobalka Yabous ee dalka Sudan, iyadoo lagu wareejiyey Joseph Touka iyo qaar ka mid ah Taliyayaashiisa Ciiddamadda.

Ilaha Milliteri ee Dowladda Sudan waxay sheegeen in qorshaha Itoobiya u hubeynayso Kooxdaasi tahay sidii uu Joseph Touka u qabsan lahaa magaalladda Kurmuk, iyadoo Madaafiicda Ethiopia ka taageerayaan Duullaankaasi.

Bishii October ee sanadkii hore, Heshiis Nabadeed ayaa waxaa wada saxiixday Dowladda Sudan iyo Wakiillo ka kala socday Dhaqdhaqaaqyada Hubeysan ee ka tirsan Isbahaysiga Jabhadaha Kacaanka (The Revolutionary Front Alliance).