Guddiga DFS ku matalaya Dacwadda Badda oo u dhoofay Hague (VIDEO)

Guddiga Dowladda Soomaaliya u matalaya dhageysiga Kiiska Dacwadda Badda ee taalla Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaa goordhow u ambabaxaya magaalada Hague.

Guddigan ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumaddaxil-gaarsiinta aj, waxaana ka mid ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo xubno kale.

Mahdi Maxamed Guuleed, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay inay ka qeybgalayaan Dhageysiga Dacwadda Badda ee kala dhexeysa dalkeena Kenya.