Sacuudiga qiimaha Shidaalka oo gaaray meeshii ugu sareysay

Qiimaha saliidda ayaa gaaray $ 70 halkii  foosto markii ugu horreysay muddo 14 bilood ah kadib markii Sacuudi Carabiya, oo ah dhoofiyaha saliidda adduunka ugu sarreeya, ay sheegtay in xarumaha tamarta la wareeraray maalinkii Axadda aheyd.

Diyaarad Drone ah oo ka soo kacday badda oo ku jirtay haanta keydka shidaalka ee Ras Tanura, oo ah mid ka mid ah dekedaha ugu waaweyn ee maraakiibta shidaalka ee adduunka, ayaa dhacday subaxnimadii Axadda, sida ay sheegtay boqortooyada.

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa maalintii Axada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada ku garaacnay wadnaha warshadaha saliida ee Sacuudi Carabiya, oo ay kujirto xarun Saudi Aramco ah oo ku taal Ras Tanura oo muhiim u ah dhoofinta batroolka, taas oo Riyadh ay ku tilmaamtay weerar fashilmay oo lagu qaaday amaanka tamarta aduunka.

Fiidnimadii Axada firir ka mid ah gantaalaha ballistic-ka ayaa ku dhacay magaalada Dhahran, halkaas oo shirkadda shidaalka ee dawladda ee Saudi Aramco ay ku taal xarunteeda isla markaana ku dhow halka ay ku nool yihiin kumaankun shaqaalaha iyo qoysaskooda.

In kasta oo wasaaradda tamarta ee Sacuudi Carabiya ay sheegtay in weeraradu “aysan ka dhalan wax dhaawac ah ama khasaare naf iyo maalba leh”haddana weerarada kooxda fadhigeedu yahay Yemen ayaa naafaysay Shidaalka Sacuudiga.