Amniga Garoowe oo la xoojiyay, iyo Dadka ka baxaya oo Amaro la dul-dhigay (VIDEO)

Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqay in cid kasta oo ka safraysa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland laga rabo inuu Damiin keensado, si loogu fasaxo safarkiisa.

Axmed Maxamuud Cali, oo ah Taliyaha Kantaroolka saddexaad ee laga soo galo Magaalada Garoowe ayaa sheegay in qof kasta oo safraya sidoo kale laga rabo inuu caddeeyo ujeedka safarkiisa iyo halka uu tegi doono.

Sidoo kale, Axmed Maxamuud ayaa xusay in Garoowe uu ka bilowday baaritaan ku saabsan xaqiijinta Amniga, sidaas darteedna dhammaan dadka magaalada ka baxaya iyo kuwa soo gelaya uu saamayn doono baaritaankaas.

Puntland ayaa horey baaritaan ugu sameyn jirtay Dadka ku safraya deegaanadeed, gaar ahaan Dadka galaya Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, waxaana talaabadan ka dhigan tahay in talaabadan si Guud u saameynayso Bulshada qeybaheeda kala duwan, ee ka baxaya Gudaha magaalada Garoowe.