Madaxweyne Axmed Madoobe oo maanta ka dagaya Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa la filayaa inuu maanta gaaro Magaalada Muqdisho, oo uu maalmaha soo socda ka furmi doono Shirka Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada ee dhameystirka Heshiiskii Doorashooyinka Dalka ee 17-kii September.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa degi doona Hoyi looga diyaariyay xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Muqdisho, oo ay Amnigiisa sugayaan ilaaladiisa gaarka ah iyo Ciidanka AMISOM.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa la filayaa inuu gelinka dambe ee berri ka dego Magaalada Muqdisho, waxaana Muqdisho gaaray Wafti horu-dhac u ah iyo Qaar kamid ah Ciidanka ilaalada Madaxweynaha.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa horay shuruud ugu xiray imaanshahooda Muqdisho, iyagoo soo jeediyay in shirka uu ka dhaco meel amni ah oo lagu kalsoonaan karo.

Shirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, oo ay garwadeen ka yihiin Qaramada Midoobay, UK iyo Mareykanka, ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo ahaa halkii ay ka dhacday doorashadii 8-February-2017-kii, ee lagu doortay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana amaankeeda sugi doona Ciidanka AMISOM.