Madaxweyne Deni oo shaqo joojin ku sameeyay Duqa Boosaaso, amrayna in la baaro

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa shaqo joojin ku sameeyay Duqa Degmada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, kaddib markii lagu eedeeyay Musuq-maasuq, isagoona faray Hanti-dhowrka Puntland inay baaris ku sameyso.

Akhriso Wareegtada Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr 09 ee 9-ka Maarso 2021, kuna saabsan shaqo ka joojin Guddomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: Eedaymaha la xiriira ku dhaqan la’aanta nidaamka maamulka dhaqaalaha ee degmadda Boosaaso

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Cabashooyinka ka imanaya shacabka degmadda Boosaaso

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa shaqada laga joojiyey Guddomiyaha Degmada Boosaaso, Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.
  2. Waxaa shaqada sii wadaya Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso.
  3. Waxaa la faray Hanti dhawrka Guud in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta

Xeerkan waxaa uu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu Saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD