Puntland iyo Galmuxdug oo kulan ka yeeshay Amniga Gobalka Mudug (VIDEO)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, ayaa Shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Gobalka Mudug, kaas oo ay ka qeyb-galeen Maamulka Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, iyo Saraakiisha Ciidanka Amniga Labada dhinac.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta Amniga Gobalka Mudug, waxaana si gaar ah diirada loogu saaray iskaashiga amniga ee la xiriira la-dagaalanka kooxaha Nabad-diidka ah. Kulanka ayaana intii uu socday waxaa Guddi loo saaray shaqaaqo dhawaan ka dhacday Galbeedka Gobalka Mudug.

Mudane Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegey in Dowladda Puntland ay Isbadal dhaba ka samaysay Ammaanka Gobolka Mudug, isagoona ugu baaqay Shacabka inay gacan siiyaan Laamaha Ammaanka.