Wasaaradda Haweenka Puntland oo agabyo u qeybisay dad danyar ah (VIDEO)

Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ayaa maanta u qaybisay agabyo isugu jira dharka, qalab caafimaad iyo kuwa nadaafada 170 kamid bulshada qaybahooda baahiyaha gaarka ah qaba ee magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo, Qardho iyo Buurtinle.

Deeqdan oo qayb ka ah munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka ayaa waxaa madasha lagu bixinayay goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland Marwo Aamino Cismaan Xaaji, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Sahro Kiin Cabdi Xirsi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Agaasimayaasha Waaxaha Wasaaradda.

Marwo Aamina Cismaan Xaaji, Wasiirka Wasaaradda Haweenka Dowladda Puntland oo ka hadashay madasha ayaa sheegtay in qorshaha horu-tabinta sandkaan ee Wasaaraddu uu ku aadanaan doono bulshda baahiyaha gaarka ah qaba.