Duqii Boosaaso oo ku dhawaaqay inuu Is-casilay (VIDEO)”

Duqii degmada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, oo goor-dhaweyd la hadlay Saxaafadda ayaa ku dhawaaqay inuu iska casiley xilka, kaddib markii uu xalay shaqo joojin ku sameeyey Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni.

“Waxaan gebi ahaan iska casilay jagooyinkii aan ka hayey Boosaaso dhammaantood, xubinimadaydii Golaha Deegaankana waan iskacasilay iyana , waxaana soo dhawayn baadhista loo diray Hantidhowrka guud ee Puntland”. Ayuu yidhi Cabdisalaan Bashiir.

Idilnews