Farmaajo oo Waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee UK (VIDEO)

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kate Foster.

Dood ayaa dhowaanahan ka taagneyd in Safiirka cusub ee UK ay Waraaqaha u gudbiso Madaxweyne Farmaajo maadama uu muddo-xileedkiisu dhamaaday, balse Waaxda Arrimaha Dibedda UK ayaa sheegtay in lagalama maarmaan tahay in Waraaqaha Aqoonsiga laga gudddoomo Safiirka, si shaqada safaarada loo dardar-galiyo.

Idilnews