Golaha Ammaanka QM oo kulan adag ka yeelanaya xaalada Soomaaliya

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 12-ka Maarso 2021 oo ku beegan Jimcaha maalin kadib fadhi ka leh Xaaladda cakiran ee Soomaaliya sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay boggooda.

Fadhiga Golaha ammaanka oo guud ahaan wadajir looga hadlayo xaaladaha Soomaaliya, Koofurta Suudaan, Itoobiya & Mozambique, balse marka la gaaro xogta dhanka Soomaaliya si gaar ah ayaa loo qiimeynayaa.

Wargeyska Foreign Policy oo maqaal dheer ka diyaariyay kulanka Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa daabacay in la dhageysanayo Warbixinnada laga diiwaangeliyay xaaladda Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa lagu wadaa in uu fadhiga kusoo bandhigo Warbixinta uu ka diyaariyo Dalka gaar ahaan dhinacyada Amniga, Siyaasadda & kulamada uu wado ee lagu saldhigayo Doorashooyinka.

22-kii Febaraayo 2021 oo uu qabsoomay fadhiga guud ee Golaha Ammaanka loogana hadlay Xaaladda Soomaaliya waxaa laga joogaa 18-Cishe, maalmahaas xogta la keydiyay ee Guulaha, Dedaallada & Caqabadaha jira ayaa lagu wareejin doonaa si dood loo geliyo.

James Swan ayaa ku howlan sidii uu dedejin lahaa fadhiga la isugu keenayo Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada si ay u saxiixaan heshiiska Guddiga farsamo uu ku gaaray Baydhabo 15-ka & 16-ka & Febaraayo 2021.