Madaxweynaha Ugandha oo Waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee JFS (Sawirro)

Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa waraaqaha safiirnimo maanta ka gudoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka u fadhin doono Dalka Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur).

Danjire Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabuur ayaa gudoonsiiyay Madaxweyne Museveni dhambaal hambalyo ah uu ka uu usoo diray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhigiisa Uganda, middaas oo ugu hambalyeenayay munaasabadda dib loogu doortay Madaxweyne Museveni

Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur ) ayaa horay usoo ahaa diblimaasi kasoo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin, Bakistaan iyo Uganda oo uu muddo labo sano ah ka ahaa Siihayaha safaaradda.