Muxuu Madaxweyne Deni uga baaqday safarkiisii Muqdisho maanta ?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka baaqsaday socdaal la filayay maanta inuu ku tago Magaalada Muqdisho, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo rasmi ah.

Madaxweyne Deni oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari ayaa la sheegay inuu ku mashquulsan yahay dib-u-habeyn uu ku waddo Hay’adaha Amniga iyo Maamulka Gobalka Bari, waxaana uu kulamo la lee yahay Masuuliyiin kamid ah Xukuumaddiisa iyo Waxgarad.

Saraakiil kamid ah Madaxtooyadda Puntland ayaa inoo sheegay in Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni uu tagi doono Muqdisho, galinka dambe ee berri, ama jimcaha, waxaana Muqdisho ku sugan Wafti horu-dhac u ah Madaxweynaha iyo qeyb kamid ah ilaaladiisa gaarka ah.

Magaalada Muqdisho oo uu ka dhacayo Shir u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobaleedyada ayaa waxaa shalay gaaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, kaas oo degay Xerada Xalane kaddib weeraro qorsheysan laga cabsi qabo inay Magaalada ka dhacaan.

Idilnews