DEG-DEG: Duq cusub oo loo magacaabay Boosaaso

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa Duqa KMG ah ee Degmada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland u magacaabay Cabdiqani Axmed Ismaaciil, oo haatan ah Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.12 ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Boosaaso.Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdiqani Axmed Ismaacil (Deero dile) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Boosaaso

.2. Waxaa Axmed Nuur Huruuse si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Boosaaso.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD