Soomaaliya iyo Midowga Africa oo ka wada-hadlay Howlgalka AMISOM (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa kula kulmay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa , Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat.

Kulanka ayaa looga hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika. Wasiirka ayaa uga warbixiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee uu dalku haatan ku sugan yahay.

Sidoo kale, Kulanka ayaa intii uu socday la isku dhaafsaday aragtiyo ku salaysan arrimaha qaaradda ee labada dhinac ay danaynayaan oo ay ku jirto deganaanshaha gobolka iyo dib-u-cusboonaysiinta muddo sharciyeedka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).