VIDEO: Calanka Soomaaliya oo hoos loo dhigay muddo 3 maalmood ah

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Allaha unaxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka kenya, oo xaalad caafimaad markii hore loo geeyay.

Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in muddo sedax cisho ah loo sameyn doono baroordiiq, iyadoo calanka Soomaaliya hoos loo dhigi doono si loo muujiyo murugada geerida madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa xusay in loo saarayo guddi ka shaqeeya aas -qaran oo loo sameynayo marxuumka.