Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo kulan la leh Musharixiinta (Sawirro)

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan kula leh Magaalada Muqdisho Midowga Musharixiinta oo ay kamid yihiin Madaxweynayaashii iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali Khayre.

Kulanka ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka ee weli cakiran iyo xal u helida jahawareerka siyaasaddeed ee uu dalku geliyay Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Farmaajo.

Idilnews