Musharax Geelle oo ka hadlay Ciidammo kamid ah ilaaladiisa oo la Qarxiyay

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka tacsiyeeyay askar ka mid ilaaladiisa oo xalay qarax lagula beegsaday Muqdisho.

Musharax Daahir Geelle ayaa sheegay in labo ka mid ah ilaalada taliye Amnigiisa Masuulka ka ah uu ku dhinteen Qaraxa sidoo kalena uu ku dhaawacmay taliyaha Ciidanka ilaaladiisa.

War uu soo saaray Musharax Daahir Geelle ayaa siddaan u qornaa:

Waxaa caawa qarax argagixiso oo fulaynimo ah lala beegsaday Korneel Cumar Cabdiraxmaan oo ammaankeyga guud masuul ka ah iyo ilaaladiisa. Waxaan murugada la qaybsanaynaa una tacsiyeynaynaa ciidamada qalabka Sida iyo ehellada geerida ku timid Alle ha u naxariiatee Axmed Cali Maxamuud iyo Xasan Cali Maxamed oo ka tirsanaa ilaalada taliye Cumar.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu inoo caafiyo Cornel Cumar Cabdiraxmaan, Yaasiin Muxudiin Khaliif darawalka taliyaha, Xuseen Cali Xasan Caddow iyo Abuukar Maxamed Cabdulle oo ka tirsanaa ilaalada taliyaha, Ilaahay ha u booga dhayo, caafimaad deg deg ahna Alle ha siiyo dhammaantood.

Taliye Cumar waa sarkaal astaan u ahaa una ah dhowr iyo tobanki sano ee tagay ku dhiiranaanta iska dhicinta, dad ka dhicinta dhagar qabayaasha argagixisada ah, Allaha ku caafiyo adiga wiilasha askarta ah.