Puntland iyo Galmudug oo ka shiray shaqaaqo ka dhacday duleedka Gaalkacyo (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare, ayaa ka qeyb-galay kulan looga hadlayay xoojinta Nabad-galyada iyo Xalinta Labadii dhacdo ee ka dhex-dhacay shacabka Gobalka Mudug.

kulankan waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug Galmudug Cabdiraxman Cali Diiriye, Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Galmudug Cabdiraxman Sheikh Xasan, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gobolka Mudug Puntland, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Galmudug, Duqa Degmada Gaalkacyo Puntland iyo qaar kamida Odoyaasha dhanqanka Magaalada Gaalkacyo Galmudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa yiri” waan ku faraxsanahay inaanu maanta idinla kulano waxaanu maalmahanba wadnay aniga iyo saaaxibaday kulamo aan uga dabatagayno xalna uga gaarayno labadii dhacdo ee ka dhex dhacay Shacabka Gobolkan, asal iyo udub dhexaad baad utihiin Nabada Gobolkan inaad nala sii xoojidaana marna idinkaga maar-mimayno, waan idinkaga mahadcelinayaa saad noosoo ajiibteen, kulamadu way noosii socon doonaan insha allaah”.